RW Khayre "Waxaan Gacan bir ah ku qaban doonaa kooxaha dhiigga u Oomman"

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka.

“Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah,” Ayuu yiri Wasiirka koowaad ee xukuumadda Somalia.

Khayre ayaa xusay in xukuumadiisu muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa in falalkan sii socdaan, isagoo ballan qaadya inay nabad ka dhigi doonaan waddanka oo idil.

Gabagabadii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay qarxyadaasi, wuxuuna AALLE uga baryay inuu janadiisa geeyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM