RW Kheyre oo Casho sharaf uu sameeyay Xildhibaanada iyo Wasiirrada Somalia

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, isagoo ka dalbaday wada shaqeyn dhex Marta labada Hay'adood ee fulinta iyo sharci dajinta.

Casho sharafta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale. Ra'iisul wasaare Xasan Kheyre ayaana ku dheeraaaday muhiimadda ay leedahay in ay isku xirnaadaan hay'adaha Dawladda si dalka wadajir loogu gaarsiiyo horumar iyo isla xisaabtan dhab ah oo dhex mara.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gudoomiyaha Barlamanka Maxamed Sheekh Jawaari ayaa soo dhaweeyay meelmarinta Gollaha wasiirada.

Sidoo kale, QM, Mareykanka, Midowga Africa iyo dowlado kale ayaa soo dhaweeyay go'aanka Xildhibaanada, ay sida aqlabiyad leh ugu ansixiyeen Wasiirada, waxaana ay balan-qaadeen inay la shaqeyn doonaan.

Xukuumada cusub, ayaa horyaalla howlo badan, oo ay kamid yihiin Abaaraha, amni darrada, musuuq-maasuqa iyo dhisidda ciidamo qaran, oo hanta mas'uuliyadda xasilinta dalka, oo hadda ku tiirsan AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM