RW Kheyre oo la kulmay Madaxda maamullada iyo Gudiga Abaaraha [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, , Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxana ay warbixino la xiriira ka dhageysteen wax yaabihii u qabsoomay gudigaas.

Sheekh Nuur Baaruud oo ku hadlayay magaca Guddiga gurmadka abaaraha ayaa tilmaamay in mudadii saddexda bilood ee guddiga shaqeynayay lacagihii ay qabteen badan keeda ay gaarsiiyeen dadka dhibaataysan, wuxuna si gaar ah mahad uga celiyey cid walba oo gacan ka geystay gurmadka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul gobolleedyada ayaa ku ammaanay Guddiga gacanta ku haya gurmadka Abaaraha sida ay u dhawrayaan ammaanada loo dhiibay, waxayna sheegeen in loo baahan yahay guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay isku tashadaan si looga maarmo kaalmo shisheeyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

“Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha, xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireeno, si looga faa’iideysto xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay markii uu soo dhamaaday kulanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM