Ra’isal Wasaare Rooble oo ku wajahan caasimada Puntland

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku sii jeeda magaalada Garowe caasimada Puntland xilli khilaaf adag ka taagan yahay qabashada doorashada Soomaaliya.

Rooble ayaa waxaa kaga sii horeeya Garowe wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Maxamad Cabdirizaq.

Socdaalka ayaa bilow u ah safaro uu ku tagayo Ra'isal wasaare Rooble qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

Ujeedeedka safarkaan ayaa la filayaa inuu diirada saarayo xal u helida caqabadaha ku horgudban hirgelinta heshiiskii doorasho oo muran xooggan ka taagan yahay guddiyada doorasho ay soo magacaabeen dowladaha Federaalka iyo qaar ka tirsan Maamulada Soomaaliya.

Safarka Rooble oo uu horey u qorsheynayey ayuu kaga dhawaaqey kulankii asbuucaan horaantiisa ku dhexmarey magaalada Muqdisho dowlada Federaalka, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya oo muddo xileedkiisu kooban yahay ayaan la gareyneyn isbadalka uu ku sameyn karo qorshaha Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ka leeyihiin doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku guuldareystey dadaal dhexdhexaadin ah uu ka dhexwadey Farmaajo iyo midowga musharaxiinta.

Rooble ayaa lugtiisa labaad noqon doontaa maamul goboleedka Galmudug halkaas oo uu degaan ahaan ka soo jeedo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM