RW Somalia oo booqday halka ay ku howlgali doonaan Xildhibaanada Aqalka Sare

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo weheliyaan xubno ka tirsan Aqalka sare ayaa kormeer ku tagey xafiisyo cusub oo loo diyaariyey in ay ku shaqeeyaan Xubnaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Waxana ay kormeer ku tageen qaybaha kala duwan ee ka kooban yahay dhismaha oo isgu jira Xafiisyo iyo Hoolka Shirarka.

Dhismahan ayaa waxa uu ku yaalaa degmada Shibis, waxana dhisay Dawladda Turkiga, iyadoo loo qorsheeyey in uu noqdo xarunta ay ku shiri doonaan Aqalka ee Soomaaliya kuwaas oo horey dalkeena uga jirin.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid ayaa uga mahadceliyey dawladda Turkiga sida wanaagsan ee mar waliba ay u garab taagan tahay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuna tilmaamay in dhismahani uu dabooli doono baahidii loo qabay xarun ay ku shaqeeyaan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Dawladda an walaalaha nahay ee Turkiga ee gacan buuxda naga siisay dhismaha xaruntan cusub naguna wareejisay, halkani waxay noqon doontaa dhismaha ay ku shiri doonaan Xubnaha Aqalka Sare iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

R.Wasaaraha ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Senator Abshir Bukhaari, Senator Prof Cabdirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo dhammaantood ka mahadceliyey sida wanaagsan ee Dawladda Turkigu ugu wareejisay dhismahan xarunta u noqon doona Aqalka Sare ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM