RW Somalia oo ka qayb galay kulan lagu taageerayay Xukuumaddda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaan ka soo qayb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

“Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu lee yihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz , waxayna ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, tasoo fursad siineysa dadka Soomaaliyeed si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada ah.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay Dekada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha qeybta Maaliyadda, waxuuna kala hadlay howlaha ka socda Dekeda, isagoo kula dar daarmey in ay la dagaalamaan musuq-maasuqa si loo helo dawladnimo lagu kalsoon yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xayiraad saartay Duulimaadyadii Baydhabo

Dhinaca kale, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (SCAA) ayaa iska fogeysay in ay jirto xanibaad rasmi ah oo ay iyagu soo rogeen.

  • Soomaliya

    17-03-2026

  • 11:32AM

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM