Saamayn ka dhalatay roobab ka da'ay Bakool

Image

XUDUR, Somalia-  Roobab laxaad leh ayaa ka da'ay qaybo kamid ah Koonfurta dalka Somalia gaar ahaan gobolka Bakool, waxaana lagusoo waramayaa inay sameeyeen Daadad xooggan oo qaaday duunyadii ay dhaqanayeen reer guuraaga.

Deegaano xoos yimaada xarunta gobolkaas ee Xudur, ayaa la sheegay in ugu yaraan 50 qoys ay xoolihii ka qaadeen roobab da'ayay 24 saac ee lasoo dhaafay.

Maxamed Yuusuf oo la hadlayay Laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa xusay in xoolahii iyo gaadiid wixii uga bad-baaday abaartii ka dhacday Somalia uu galaaftay roobkaas.

"Xoolo wixii aan lahayn iyo gaadiidkeeni waxaan ku weynay roobab xoog leh oo ka da'ayay deegaano hoos yimaada degmada Xudur. Ilaa kontos qoys ayaa ku hanti beelay," Sidaas waxa yiri Maxamed Yuusuf oo kamid ah odoyaasha dhaqanka gobolka.

Xoolahooda ayuu xusay inay ahaayeen kuwo tabar yar oo aan iska difaaci karin dhibicda roobka, isagoo qiray inaysan ka gaashaaman dhacdadan.

Mar wax laga weydiiyay in wax gurmad ah ka heleen maamulka ay hoos yimaadaan.

Roobab xooggan ayaa muddooyinkan ka da'ayay qaybo kamid ah dalka Somalia, kuwaasoo qaybtood galaaftay nolosha dad ka badan 10 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM