Saameynta Puntland iyo Somaliland ee ku biirida Soomaaliya ee EAC

Image
Saciid Deni, Xasan Sheekh, iyo Muse Bixi

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Soomaaliya u qaabilsan Daladda Bulshadda Afrika, Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa ka hadlay dooda ku sabasan mowqifka aan wali caddeyn ee maamulada Puntland iyo Somaliland.

Puntland oo ah maamulka ugu da'da weyn federaalka Soomaaliya ayaa hoos-u-dhigtey wadashaqeynta dowladda federaalka, halka Somaliland ay 1991-dii sheegatay madax-banaani aan wali aqoonsi helin.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo wareysi siiyey warsidaha The New Times ayaa ku adkeystay in labadan dowlad goboleed "ay qeyb ka yihiin Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya".

"Maamul-goboleedyada Somaliland iyo Puntland waxay ka tirsan yihiin oo ay qayb ka yihiin Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, sidaas darteedna waxay ku biiri doonaan dalladda haddii codsigaasi lagu guuleysto," ayuu yiri.

Gudoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in "arrimaha is-xukunka maaha wax cusub ama aan caadi ahayn".

"Soomaaliya waxay dooratay qaab federaal ah kaas oo lagu qeexayo heerarka awoodaha iyo mas'uuliyadaha iyadoo aan ku jirno geeddi-socod lagu gaari karo nidaam Federaal oo kaamil ah," ayuu sii raaciyey.

Hadliye oo sii hadlaya ayaa carabka ku adkeeyay in maamulka Xasan Sheekh uu ku dayan doono dowladaha waayo-aragnimada u leh haddii ay dood ka timaado maamuladan.

"Waxaan jecelnahay inaan aragno Jamhuuriyad Federaal ah oo xooggan oo midaysan oo qof walba hammigiisa laga faa'iidaysto iyadoo aan loo eegin qaybta uu dalka ka deggan yahay, waxaanan dhiirigelin weyn ka qaadanaynaa qabanqaabada ka jirta Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Tansaaniya sida ku cad maqaamka Zanzibar, waxaanan raadin doonaa inaan wax ka baranno waaya-aragnimadooda," ayuu xusay.

Wakiilka ayaa kusoo gunaanaday hadalkiisa: "Awood-qaybsiga guuleystay ee Kenya ku daadajisay awoodaha Dawladaha Gobolka waxa ay sidoo kale noqon doontaa il dhiirigelin ah oo arrintan la xiriirta".

Soomaaliya ayaa hataan hal talaabo waxay u jirtaa in la aqbalo ama la diido codsigeeda kamid noqoshadda Daladda Bulshadda Afrika kaasoo Villa Soomaaliya ay ku sheegtey "mid kobcinaya dakhliga iyo dhaqaalaha waddanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM