Saameyntii Beesha Caalamka oo hoos u dhacday

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoraallada ay soo saaraan diblomaasiyiinta fadhiya Xalane ayaa noqday kuwa waxba ka tari waayay khilaafka siyaasadeed ee madaxda sare ee dalka Soomaaliya oo tan iyo sanadkii tagey isku dhegan.

Dhowr War-saxaafadeed ayaa kasoo baxay Beesha Caalamka maalihii ugu dambeeyay, kuwaasoo ugu baaqeyay Farmaajo iyo Rooble inay wadahadal ku dhameeyeen ismari-waagga u dhaxeeya, isamarkaana ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee ay isku marinayaan warbaahinta.

Dhamaan baaqyada waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay, iyadoo muuqata inay hoos u dhacday saameyntii Beesha Caalamka ku lahaan jirtay siyaasadda Soomaaliya, oo marka uu jiro khilaafka hadalkooda aad loo dhageysan jiray.

Gollaha Amaanka ayaa marar badan shirar degdeg ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyay midkii maalin kahor dhacay, oo lagu booriyay Farmaajo iyo Rooble inay xaliyaan khilaafkooda, si aysan saameyn ugu yeelan doorashoorinka.

Si ka duwan sidii hore bay Beesha Caalamka uga hadashaa hadda arrimaha Soomaaliya, iyadoo isku dadaysa inay faragelin ku sameynin siyaasadda gudaha, kadib markii canaan iyo eryida Ergaygii QM Nickolas Haysom kala kulmeen dowladda Federaalka sanadkii tagey.

Markii hore waxay adeegsan jireen hadallo kulul iyo hanjabaadyo ahaa in qofkii caqabad ku noqda geedi socodka dib u dhiska dowladnimada loo aqoonsan jiray qaswade.

Xaaladda hadda way sii cakirmaysaa, iyadoo labada xafiiska ee ugu sareeya dalka oo kuwada yaalla Villa Somalia aan salaanta iska qaadaynin, islamakaana la isagu jawaabayo xil ka qaadis iyo xil magacaabis, taasoo u muuqa loolan awoodeed oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 04:30PM