Saaxiibka Fahad Yaasiin ee qaraxyadda u sameeya Al-Shabaab

Image
Labadan shaqsi ayaa la sheegay in ay kasoo wada shaqeeyeen xarunta Tv-ga Al Jazeera ee caasimada Muqdisho.

WASHINGTON, USA – Khabiirka ugu sareeya dhanka qaraxyada Al-Shabaab waa saaxiibka Fahad Yaasiin Daahir, lataliyaha amniga qaranka madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo, sida ay warisay majalada New York Times.

Jariirada oo soo xiganeysa illo wareedyo ka tirsan ciidamada sirdoonka Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa xustey in Cabdullaahi Cusmaan Maxamed [Injineer Ismaaciil] uu "aad u horumariyey nidaamka qaraxyadda ee kooxda".

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa September, 2020 waxay u aqoonsatay argagixiso caalami ah. Cabdullaahi waa madaxa warbaahinta Al Kaatib iyo lataliyaha gaarka ah ee Amiirka maleyshiyadda, Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Wadashaqeynta Fahad iyo Cabdullaahi

Injineer Ismaaciil oo November ka badbaadey duqeyn cirka ah ayaa kasoo jeeda qoys dabaqada dhexe ah kuna dhaqan Muqdisho. Aabihiis wuxuu lasoo shaqeeyay Al Haramain Islamic Foundation oo Sacuudiga laga leeyahay balse 2002-dii Mareykanka la xiriiriyey ururka Al-Qaacida.

Sanadkiii 2006-dii, wuxuu ka baxay jaamacad ku taala Suudaan. Farsamaqaan ayuu ka noqdey xarunta telefishinka Al Jazeera ee Muqdisho. Halkaas waxaa madax ugu ahaa Fahad Yaasiin oo ahaa madaxa Tv-ga ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Injineer-ka wuxuu tababaro ku qaatay xarunta telefishinka ee Dooxa. Fahad oo haatan ah shaqsiga ugu awooda badan dowladda Farmaajo wuxuu labadii sano ee lasoo dhaafay madax u ahaa hay’adda sirdoonka qaranka.

Shaqsiyadiisa iyo dadka yaqaana

Soomaalida sida kooban u taqaana waxay ku sheegayaan nin aan laga fileyn in uu noqon doono horjooge koox jihaad-aloosleyaal ah. "Qof saaxiib ah, firfircoon oo waji caruur leh," ayuu ku qeexay Maxamuud, oo kamid ah saaxiibadiis.

"Qof aad u caqli badan, aad u nuuraya. Inta badan waxaan is waydiinayaa sida uu ku noqdo qofka koowaad ee argagixisada," ayuu yiri Maxamuud oo sababo ku aadan ammaankiisa uga gaabsadey in lasoo bandhigo magaciisa oo buuxa.

Shaqooyinkii ugu horeeyay ee Al-Shabaab uu ka caawiyey waxay khuseeyeen faafinta dacaayadaha. Warbaahintiisa Al-Kaatib ayaa haatan baahisa muuqaalada noocaas ah. Balse, kadib dilka khabiiro qaraxyo ayuu booskooda la wareegay.

Hay’adda sirdoonka dibadda Mareykanka ee CIA-da ayaa, sida ku xusan warbixinta wargeyska, waxay ka gaabsatay in ay ka hadasho haddii Injineer-ka uu kamid ahaa shaqsiyaadka bartilmaameedka u ahaa duqeynta khuburadda lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM