XOG: Sababta xilka looga qaadey Wasiirka Arrimaha Dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta xilka ka qaadey Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadiisa, Maxamed C/risaaq.

Wasiirka ayaa saacado kahor u dabaal-degay sanad-guuradii 1aad markii xilka uu Rooble u magacaabey bishan oo kale sanadkii tagey 2020 kahor inta aan la eryin.

Illo xog-ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in xilka qaadista ay timid kadib markii Farmaajo ka wargelay in Wasiirka uu olole doorasho ku jiro, oo uu doonayo in xilka Madaxweynaha u tartamo.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka dhaqaale ka raadsanayay dalalka Caalamka, si uu ugu galo doorashadda. Xilka qaadistiisa waxay timid isagaa safar ku maqan.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay Maxamed C/risaaq inuu aad ula yaabey xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo xusay in todobaad kahor iska casiley xafiiska.

"Sheekada ku saabsan beddelkaygii waa la yaabay aniga, si la mid ah dadka kale, laakiin waxay timid kadib dalabka istiqaalo toddobaad ka hor aan gudbiyay. Waxaa ii ahayd farxad inaan u adeego qaranka Soomaaliyeed, dabcan beddelkaygana waxaan u rajeynayaa wanaag," ayuu yiri Wasiirka.

Rooble ayaa xilka u dhiibey Cabdisaciid Muuse Cali, la-taliyihii hore amniga Qaranka Farmaajo, kaasoo dhawaanahan ahaa agaasimaha Madaxtooyadda kadib markii xilkiisii Fahad Yaasiin lagu wareejiyay, markii Rooble ka qaadey xilka taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM