XOG: Sababta xilka looga qaadey Wasiirka Arrimaha Dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta xilka ka qaadey Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadiisa, Maxamed C/risaaq.

Wasiirka ayaa saacado kahor u dabaal-degay sanad-guuradii 1aad markii xilka uu Rooble u magacaabey bishan oo kale sanadkii tagey 2020 kahor inta aan la eryin.

Illo xog-ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in xilka qaadista ay timid kadib markii Farmaajo ka wargelay in Wasiirka uu olole doorasho ku jiro, oo uu doonayo in xilka Madaxweynaha u tartamo.

Sidoo kale, waxa uu Wasiirka dhaqaale ka raadsanayay dalalka Caalamka, si uu ugu galo doorashadda. Xilka qaadistiisa waxay timid isagaa safar ku maqan.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay Maxamed C/risaaq inuu aad ula yaabey xilka qaadista lagu sameeyay, isagoo xusay in todobaad kahor iska casiley xafiiska.

"Sheekada ku saabsan beddelkaygii waa la yaabay aniga, si la mid ah dadka kale, laakiin waxay timid kadib dalabka istiqaalo toddobaad ka hor aan gudbiyay. Waxaa ii ahayd farxad inaan u adeego qaranka Soomaaliyeed, dabcan beddelkaygana waxaan u rajeynayaa wanaag," ayuu yiri Wasiirka.

Rooble ayaa xilka u dhiibey Cabdisaciid Muuse Cali, la-taliyihii hore amniga Qaranka Farmaajo, kaasoo dhawaanahan ahaa agaasimaha Madaxtooyadda kadib markii xilkiisii Fahad Yaasiin lagu wareejiyay, markii Rooble ka qaadey xilka taliyaha NISA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM