Xukuumada oo shaacisay in ay wada hadal la furtay Ahlu Sunna

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in wada hadal ay hogaanka Ahlu Sunna kala gashay is-maandhaafkii soo kala dhex-galay ay "isu soo dhowaanshiyo ka jirto".

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka ah, oo warbaahinta la hadlay ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in is-afgarad kama dambeys ah la gaaro.

"Xoogaagii taag-taaga ahaa dhowaanhan ka jiray Dhuusamareeb [kaasoo dhaxeeyay dowlada iyo Ahlu Sunna] isu soo dhowaanshiyo ayaa ka jirta markan wada hadal galnay," ayuu yiri, isagoo aan tafaasiil bixin.

Marka laga yimaado shaacinta wasiirka, illaa iyo haatan, ma jiro war hadal ah oo ku aadan wada hadalka oo kasoo baxay dhinaca maamulka Ahlu Sunna.

Khilaafka soo kala dhex-galay dowladda iyo ururkaasi ayaa yimid ka gedaal markii ay xukuumaddu ciidamo dheeri ah ku daabushay Dhuusamareeb, taasi oo ay walaac ka muujisay Ahlu Sunna.

Bayaan kasoo baxay xafiiska Sheekh Shaakir ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ka baxay heshiis ka kooban tobban oo ay kala saxiixdeen, balse dowladdu ay iska difaacday.

Hogaanka Ahlu Sunna oo aanan haatan joogin caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku sugan duleedka magaaladda, wallow la filayo in ay dib u soo laabtan.

Dhinaca kale, wasiir Sabriye ayaa tilmaamay in shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug uu furmi doono maalmaha soo aadan, wallow uusan muddeyn, haddana tirro dhowr ayuu dib u dhacay.

Xurgufka siyaasadeed ee Ahlu Sunna iyo dowladda ayaa la aaminsan yahay in arrimaha keenay ay kamid tahay Amniga shirka, kaasi oo la rumeysan yahay in ay ku baxeyso dhaqaalo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM