Sacdiyo Samatar oo sheegtay in nafteeda ay halis ku jirto

Image
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa qaylo-dhaan soo saartey kadib hadalkii buuqa dhaliyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Matar ayaa sheegtay in ay heshay farriimo hanjabaado dil ah kadib hadalkii muranka dhaliyaya ee ku sabsanaa sharciga qoyska.

Sacdiyo ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixisay hadalkeedii, waxayna sheegtay in si qaldan loo turjuntay.

Waxa ay sheegtay in aysan ka mid ahayn kuwa u ololeynaya sharciga qeybta laga digay, ayna ka mid ahayd dadkii sharciga diiday markii sanado ka hor la horkeenay baarlamaanka.

Sacdiyo ayaa sharciga nooca ay u ololeynayso u bixisay magaca “Sharaf Dhawr”, ee aanan loogu yeeri karin magacyada kale ee hawada ku jira.
Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in aanan marnaba baarlamaanka la marsiin karin sharci kasoo horjeeda diinta Islaamka.

Gudoomiye Sacdiyo oo degaan doorashadeedu tahay Puntland ayaa la kulantay cannaan iyo eedeyn kala duwan kadib markii hadaladeeda loo arkay kuwa xad gudub ah.

Afhayeenka Golaha Shacabka, Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulan ay maanta yeesheen mudaneyaasha labada gole, ayaa sheegay in baarlamaanka "aan ka hor-keeni karin" xeer khilaafsan Diinta Islaamka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose, Sacdiya Yaasiin Samatar, ay wacad ku martay ansixinta Hindise-sharciyeedka muranka dhaliyey ee Dambiyada Kufsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM