Sacdiyo Samatar oo sheegtay in nafteeda ay halis ku jirto

Image
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa qaylo-dhaan soo saartey kadib hadalkii buuqa dhaliyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Matar ayaa sheegtay in ay heshay farriimo hanjabaado dil ah kadib hadalkii muranka dhaliyaya ee ku sabsanaa sharciga qoyska.

Sacdiyo ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixisay hadalkeedii, waxayna sheegtay in si qaldan loo turjuntay.

Waxa ay sheegtay in aysan ka mid ahayn kuwa u ololeynaya sharciga qeybta laga digay, ayna ka mid ahayd dadkii sharciga diiday markii sanado ka hor la horkeenay baarlamaanka.

Sacdiyo ayaa sharciga nooca ay u ololeynayso u bixisay magaca “Sharaf Dhawr”, ee aanan loogu yeeri karin magacyada kale ee hawada ku jira.
Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in aanan marnaba baarlamaanka la marsiin karin sharci kasoo horjeeda diinta Islaamka.

Gudoomiye Sacdiyo oo degaan doorashadeedu tahay Puntland ayaa la kulantay cannaan iyo eedeyn kala duwan kadib markii hadaladeeda loo arkay kuwa xad gudub ah.

Afhayeenka Golaha Shacabka, Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulan ay maanta yeesheen mudaneyaasha labada gole, ayaa sheegay in baarlamaanka "aan ka hor-keeni karin" xeer khilaafsan Diinta Islaamka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose, Sacdiya Yaasiin Samatar, ay wacad ku martay ansixinta Hindise-sharciyeedka muranka dhaliyey ee Dambiyada Kufsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM