Sacuudiga oo dib u furey safaaradiisa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sacuudiga ayaa ku dhawaaqey inuu dib u furey Safaaradiisa Caasimadda Soomaaliya kadib tobanaan sano oo xirnayd.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee Saudi Press Agency [SPA], oo soo xiganeysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa sheegtay in Safaaradda oo mudo ku shaqeynaysa Kenya, loo wareejiyay Muqdisho.

Bishii June, wafdi ka socday Sacuudiga, ayaa yimid Muqdisho, kaasoo diyaarinayay dib u furitaanka safaaradda, waxaana Boqor Salam usoo magacaabey Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad inuu noqdo safiirka cusub ee u fadhiya Soomaaliya.

Al-Muwallad waa safiirkii labaad ee Sacuudiga u soo magacaabo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Dr. Maxamed Cabdi-kani Al-Khayat ayaa bishii Janaayo ee sanadkii 2017 warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sacuudiga iyo xulufadiisa Imaaraadka ayaa hoos u dhigay xiriirkooda Soomaaliya kadib markii uu Farmaajo la saftay Qatar, oo la sheegay inay maalgelisay doorashadiisii Feb 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM