Sacuudiga oo la wareegay hogaanka talis ka howlgala biyaha Soomaaliya

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudiga ayaa wuxuu Faransiiska kala wareegay hogaanka taliska ciidamo isku-dhaf ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka burcad-badeeda, argagixisada iyo badqabka maraakiibta.

Taliskan loo garan og-yahay CTF-150 ayaa sameeya dabagal, kormeer iyo howlgalo caadi, wuxuuna haystaa 14 illaa 15 maraakiib.

Maadaama dowlado kala duwan ay qeyb ka yihiin isbedelada dhanka hogaanka ayaa dhaca afar illaa lixdii bilood hal mar; joogitaankooda ug badan wuxuu Gacanka Cadan, halkaasoo dhaqdhaqaaq ay ka sameeyaan.

Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka gedaal markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta.

Badda Cas, gacanka Cadan, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cumaan ayaa kamid ah meelaha ay waajibaadkooda ugu badan ka fuliyaan.

Warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda Sacuudiga ayaa sheegtay in taliskooda uu rajeynayo in uu ku guuleysto mudada uu xilkaan hayo.

Wargeyska Al Khaleej Today oo daboolka ka qaadey in ciidanka Sacuudiya Carabiya ya xilka ka waregeen ayaan magacaabin taliyaha cusub.

Biyaha Soomaaliya oo ay ku jiraan kheyraad badan oo dadkii lahaa ay ka baahan yihiin isla markaana shisheeye uu ka macaashayo ayaa loo aqoonsaday mid kamid ah badaha caalamka ee dambiyada ugu badan ay ka dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM