Saddex arrimood oo kusoo kordhay askarta loo diray Eritrea

Image
Dowlada federaalka ayaa lagu waramay in ay qorsheyneyso soo celinta dhalinyarada "todobaadyada soo aadan". [File Photo: OPM]

MUQDISHO, Soomaaliya – Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa laanta Afka Soomaaliga VOA-da ayaa Talaadada maanta ah wuxuu baahiyey macluumaadyo cusub oo ku saabsan askarta Soomaaliyeed ee maamulka Farmaajo u diray Eritrea.

Dowladda Soomaaliya oo tafaasiil badan aanan ka bixin qorshaha tababarkan ayaa ku guuldareystay in ay la hadasho waalidiinta. Guddiga xukuumadda xilgaarsiinta u saartay baaritaanka kiiskan ayaan wali war soo saarin.

Walaaca waalidiinta waxaa sii huriyey markii taliyaha ciidamadda xoogga, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, uu u sheegay in uusan ogeyn askar loo diray Eritrea kuna jirin liiska taliska ciidanka, sida uu sheegay mid kamida waalidiinta.

Gadood iyo shaqaaqo dhacay

Askari soo noqdey 1-dii July ayaa sheegay in uu yaqaano saddex dhalinyaro ah oo u kala dhimatay shuban-biyood, koronto iyo gal-biyood markii ay arkeen askarta Eritrea ayaga oo kasoo laabanaya degaan ay isgaarsiin u doonteen.

Bishii September, 2020, ugu yaraan todoba dhalinyaro ayaa u dhimatay shaqaaqo ka dhalatay tababare Eritrean ah oo is-dal-dalay. Sidoo kale, gadood ayay sameeyeen ducyadii horeysay ayaga oo ka cabanaya dalka lagu soo khaldey.

"Gadoodka waxaa lagu soo afjaray in dhalinyarada gadoodka hogaamineysay la geeyay xero kale," ayay raacisay warbixinta oo ku saleysan xogo laga aruuriyey saraakiil xog-ogaal ah iyo qaar kamid ah dhalinyaradda soo goosatay.

Kororka soo-baxsashada

10-kii June, 2021, Puntland ayaa Garowe soo bandhigtay qeybtii horeysay ee kamid ah askarta loo diray Eritrea ee soo baxsatay. Sida ku xusan warbixinta, in ka badan 20 kale waxay soo goosteen wixii ka dambeeyay taariikhdaas.

"Dhalinyaro badan oo dooneysa in ay soo goosata ayaa jirta. Xilli kasta waa la filan karaa in ay soo gurya noqdaan," ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaradda soo baxsatay oo sababo ammaan uga gaabsaday shaacinta magaciisa.

Maxamed Faarax oo kamid ah askartii ugu dambeysay ee soo baxsatay ayaa sheegay in wadarta guud ee dhalinyaradda tababarka sida qarsoodiga ah loogu qaadey ay ka badan shank un. Balse, ma hubo in qaarkood ka dirireen Tigray.

Qorshaha fog ee adeegsiga

Dowladda Soomaaliya ayaa, sida ku cad warbixinta, waxay ku fekereysaa in todobaadyada soo aadan ay soo celiso askarta. Qorshaha waa in ay ka howlgalaan degaanadda maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji Muxumad oo dowladda Soomaaliya mas’uul uga ah askarta loo diray Eritrea iyo laba sarkaal kale oo kasoo dhoofay Asmara ayaa dhowaan Muqdisho u gaarey qiimeynta soo celinta dhalinyaradan.

Saddex xero ayay ku kala jiraan dhalinyarada Soomaaliyeed. Bahabaari oo ku taala gobolka Gargara oo 40 kilomitir dhanka bari ka xiga caasimadda Casmara. Weeco oo lagu carbiyo kumaandooska iyo Raas-xamaas oo u dhow magaaladda Musawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM