Saddex su'aal oo ka dhashay "baxsashadda" wasiir Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka falceliyey warka ku saabsan "fakashada Cabdirashiid Janan.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu baxsadey Wasiirkii Amniga Jubaland oo dowladda Soomaaliya u xirnaa tan iyo bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-ka.

Mudanahaan ka tirsan Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa saddex su'aal ka keenay akhbaarta ku saabsan in uu baxsaday Janan, oo maxkamad lasoo taagay kaliya hal jeer.

Hoos ka akhriso qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook

Nin la soo afduubtey markii hore, guri aan la aqoon ku xirnaa, xaaladda uu ku sugnaa aan xitaa reerkiisii ka war-heyn, in maantay la yiraahdo waa fakadey, waxaa ka dhalanaya su’aalo badan!

1. Intaan naloo sheegin fakashadiisa, umadda haloo sheego xabsiga uu ku xirnaa oo sidaas u fudud In laga baxsado?

2. Yaa mas’uul ka ahaa wasiirkaas la soo afduubtey oo loo xilsaaray ilaaladiisa?

3. Ma dhici kartaa in warkaan baxsashada ah loogu marmarsoonayo in la khaarijiyo oo saacadaha soo socda ay Zakia mar kale noo sheegto asagoo sii baxsanaya ayaa askartii cayrsanaysay xabbado ay ku rideen ayuu u dhintey?

Wasiir Janan waxaa asagoo nool afduubtay dawladda federaalka, waxaa asagoo nool laga rabaa dawladda federaalka ah, wixii intaas ka soo harey waa riwaayaddii raqiiska aheyd ee kooxda Villa Soomaaliya!


GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM