Saddexda qodob ee khuseeyay Soomaaliya ee ku jiray qoraalkii IGAD

Image
Itoobiya ayaanan ka qeybgelin kulankan iyadda oo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu cudurdaartay.

KAMPALA, Uganda - War-murtiyeed kasoo baxay shir-madaxeedka degdeg ahaa ee Ururka IGAD ku yeesheen caasimada Uganda ee Kampala ayaa lagu ayiday madax-banaanida Soomaaliya.

Hase ahaatee, bayaankan oo kasoo baxay kulankan ka qabsoomay Kampala waxa uu ku baaqay in xiisadda kala dhaxeysa Itoobiya la qaboojiyo ama lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

Hadaba, war-murtiyeedkan oo badankiisa looga hadlay xaalada kasoo cusboonaatay dalka Suudaan ayaa arrimaha Soomaaliya waxaa ka khuseeya saddex qodob kuwaas oo kala ah;

Ururka waxa uu aad uga walaacsannahay is-bedellada cusub ee ku yimid xiriirka u dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

IGAD waxa ay si adag u xaqiijineysa mabda’ lama dhaafaanka ee ilaalinta iyo dhowrista madaxbannaanida, wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo in macaamil kasta uu ilaaliyo mabaadii'da asaasiga ah ee kor ku xusan, iyo in heshiis iyo wadaxaajood kasta ay ku dhacaan ogolaanshaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan ugu  baaqeyna Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ah ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in ay qaboojiyaan xiisadda, beddelkeedana ay yeeshaan wada hadal wax ku ool ah.

Itoobiya ayaanan ka qeybgelin kulankan iyadda oo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu sheegay in uusan kasoo muuqan karin sababo ku aadan in uu mashquul ka yahay jadwalkooda kulamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM