Sadexda kutirikuteyn ee ku xeeran kiiska Ikraan Tahliil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad muddo bil ah, dowladda Soomaaliya ayaa aamusnaan ugu jawaabeysa qoyska gabar 23-jir ah oo xubin sarre ka ahayd hay’adda mukhaabaraadka qaranka oo la waayey fiidnimadii 26-ka June, 2021-ka.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd madaxa waaxda ammaanka internet-ka ee NISA ayaa gaari ay hay’addu leedahay habeenkaas kasoo kaxeeyay hoygeeda iyadda oo "ruuxa wadday uu ka dalbadey in ay horey u soo qaadato computer-keeda".

Kahor inta aysan muddo kooban ka shaqeyn xafiiska agaasimaha guud markii ay hay’addu ku biirtay April, sanadka markii uu ahaa 2017-kii, Ikraan ayaa kadib waxaa loo dalacsiiyey madaxa guud ee  xafiiska arrimaha bini’aadanimadda iyo jinsiga.

Agaasime ayuu ka noqotay xafiiska duqa Muqdisho intii uu xilka hayey Injineer Yariisow kaasoo laba sano kahor ay Al-Shabaab ku dishay weerar ismiidaamin oo xafiiskiisa ka dhacay.

Saddexda Kutirikuteyn

Xilli aysan jirin cid si madax-banaan u xaqiijin karta sababta loo watay, nolol iyo geeri waxay ku sugan tahay, waxaa jira saddex faallo oo ay isku raaceen madaxdii hore ee hay’adda iyo xeeldheereyaal ka hadlay qadiyadda Ikraan Tahliil.

Agaasimihii hore ee NISA, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa aaminsan in Ikraan ay "dhibane u tahay xog xasaasi ah oo ay ogtahay" ama "in uu computer-keeda ay ku jirto xogta diiwaangelinta askarta sida qarsoodiga loogu diray Eritrea".

Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee isla hay’adda oo tibaaxay in Ikraan ay kamid ahayd shaqsiyaadka sida dhow ula socdey kiiska barista dilkii Yariisow, ayaa rumeysan haddii la xaqiijiyo in sababahan kor ku xusan loo beegsaday "ay noqon karto sabab weyn iyo dowladda rabto in ay tirtirto raadka".

Intaas waxaa wehlisa, dad u jaranjeera dowladda ayaa faafinaya sheegashooyin aad u xooganeyn oo ah in suurtagal ay tahay in Ikraan waajibaad ama tababar qarsoodi ah loogu diray gudaha ama dibada. Hase ahaatee, warkaas ma hayaan qoyska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM