Safaarada Soomaaliya ee Nairobi oo shaqo joojin sameysay

Image

NAIROBI, Kenya – Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Kenya ayaa Arbacada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in laga bilaabo Khamiista berri ah ay hakin doonto gabi ahaanba adeegyaddii ay bixin-jirtay.

Sidda lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda ee safaaradda, talaabadan ayaa si toos ah waxay ula xiriirtay go'aankii ay Dowladda federaalka ah xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay dhigeeda Kenya.

"Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah," ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee safaaradda ku faafisay bogageeda xiriirka bulshada.

Habeenimadii Isniinta ee todobaadkan ayay ahayd markii Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Dubbe, uu telefishinka dowlada ka akhriyey qoraal uu ku sheegayo in dowladda cilaaqaadka u jartay dhigeeda Kenya.

Mr Dubbe ayaa ku eedeeyay xukuumadda Nairobi in ay "si joogta ah ugu xadgudubtay madax-banaanida Soomaaliya".

"Dowladda Soomaaliyeed waxay lasoo baxeysaa dhamaan diblumaasiyiinta ka jooga Kenya, iyadda oo fareysa kuwa Kenya in ay waddankooda ugu laabtaan muddo 7 casho ah," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo u waramay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa tilmaamay in Kenya ay "nagu haysato dhulkeena, baddeena iyo madax-banaanideena".

Dowladda Kenya oo sheegtay in aysan helin wargelin rasmi ah oo Soomaaliya ku jareyso xiriirka ka dhaxeeya ayaa tilmaamtay in aysan qaadi doonin talaabo lamid ah go'aanka ay ku dhaqaadey dhigeeda Muqdisho.

Go'aanka ay dowlada Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya ayaa wuxuu yimid xilli ay Nairobi booqasho saddex casho ah ku tageen wafdi Somaliland oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa hoos-u-dhacay tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisu sii dhamaanayo, waxaana ugu wacan Villa Soomaaliya oo dano gaar ah wadata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM