Safaarada Uganda ee caasimada Muqdisho oo loo dalbay $5.5 milyan

Image
Lacagtan ayaa la sheegay in wax looga qabanayo "khatar dhinaca amniga ah" iyo dayactir.

KAMPALA, Uganda - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda ayaa codsatay $9.9 milyan oo dheeri ah si dib loogu dayactiro laguna xoojiyo ammaanka safaaradaha ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo New York (Mareykanka).

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda baarlamaanka dalkaas, Norah Nywendwoha, ayaa arrintan ku sheegtey 22-kii bishii March codsi u gudbisay Guddiga Miisaaniyadda Golaha.

Nywendwoha ayaa waxay hoosta ka xariiqdey in safaaradda Uganda ee Muqdisho ay soo wajahdo khataro amni oo joogto ah kuwaasoo kaga imaanaya dagaalameyaasha Al-Shabaab.

“Guddi ahaan, waxaa nalagu soo wargeliyay weeraro aan kala sooc lahayn [Safaarada] oo ay Al-Shabaab u adeegsatay aaladaha macmalka ah, kuwa baabuurta laga soo buuxiyay iyo madaafiicda hoobiye," ayay tiri Nyendwoha.

Haweeneyda ayaa intaas ku dartey in ka dib markii ay si taxadar leh u eegtay warbixinta guddigeeda ay soo jeediyeen in la ansixiyo $5.5 milyan oo si safaarada looga caawiyo hagaajinta ammaanka iyo dayactirka loo baahan yahay in lagu sameeyo xarumaheeda.

Bishii Maarso 2007, Uganda waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Uganda ayaa weli waxay yihiin kuwa ugu badan ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, iyadoo 6,223 askari ay ku sugan yihiin qeybta 1-aad, kuwaasoo isugu jira Banaadir (Muqdisho), Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM