Wakiilada beesha caalamka u fadhiya Muqdisho oo Farmaajo eedeeyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan maalintii shalay Garoonka diyaardaha magaalada Muqdisho ku dhexmarey Madaxweyne Farmaajo iyo safiirada qaar ka tirsan wadamada daneeya arimaha Soomaaliya kuwaas ay hogaaminayeen Mareykanka iyo Ingriiska ayaa la isku afgaran waayey.

Farmaajo oo ay weheliyaan madaxda maamulada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa loo sheegey in war-murtiyeedka ay ka soo saareen Dhuusamareeb uusan aheyn mid lagu qancin karo maamulada Puntland iyo Jubaland loona baahan yahay kulan kale.

Danjireyaasha ayaa ku eedeeyey Farmaajo in uu ku guuldareystey in Dhuusamareeb3 uu ka soo saaro heshiis ay kuwada qanci karaan maamulada Soomaaliya islamarkaana dalka gaarsiin waayey doorasho la isla ogol yahay.

Diblumaasiyiinta ayaa hoosta ka xariiqey in aan laga fursan doonin kulan kale oo loo dhan yahay in la qabto iyadoo wararka soo baxaya sheegayan in Farmaajo gacanta ka taagey inuu ku qancin karo madaxda Maamulada Puntland iyo Jubaland ka soo qayb galaan.

Kulankii Dhuusamareeb3 oo ay ka soo baxeen qodobo aan suurgalin karin in dalka ka dhacdo doorasho la isla ogol yahay ayaa lagu eedeeyey in madaxda maamulada ku sugnaa magaalo madaxda Galmudug ay fuliyeen qorshihii Villa Somalia ka laheyd doorasho ka qabsoonta Soomaaliya.

Fahfaahino lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya in madaxda maamuladda ee ku sugnaa Dhuusamareeb ay la galeen Madaxweyne Farmaajo heshiisyo siyaasadeed iyo maaliyadeed. 

Madaxweyen Qoorqoor ayaa xogtaan sheegeysaa inuu balan qaad ka heley Madaxweyne Farmaajo in Ra'isal wasaaraha cusub noqon doono nin uu isagu keeno.

Dhinaca kale, Dhuusamareeb3 ayaa soo kordhiyey iney meesha ka baxdo kalsoonidii madaxda maamulada isku qabeen shirarkii hore, taas oo saameyn ku yeelaneysa qabsoomida kulan kale hadii aysan faragalin toos ah ku soo sameyn beesha caalamka oo aysan fidin gogosha cusub.

Dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku diidey natiijadii ka soo baxdey Dhuusmareeb 3, iyagoo carab inka ku adkeeyay aan lagu matali karin wadahadalkii halkaas ka dhacey isla markaana soo dhaweeyay dedaal kasta oo lagu raadinayo xal wadar ogol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto “socdaal isbeddel”

Kulan uu la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Kenya ayuu ka sheegay hadalkan.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 05:45PM

Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga oo bilaabatay

Kulanka oo hal maalin ah ayaa lagu wadaa in lagu falanqeeyo Dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga (SNID).

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 08:35AM