Safiirka Kenya oo su'aallo laga waydiiyey diyaaradii tagtay Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Kenya u fadhiya magaaladda Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoonaan karo.

Danjire Lucas Tumbo ayaa waxaa su'aallo laga waydiiyay diyaaradii 5-tii October tagtay Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Diyaaradda oo ka diiwaan gishan Kenya ayaa waxaa wada leh ganacsato iyo siyaasiyiin Soomaali iyo Kenyan ah. Xukuumadda Muqdisho ayaase aad uga carootay talaabadaas.

Duulimaadka ayaa yimid xili xayiraad dhanka socdaalka ay Villa Soomaaliya saartay Jubbaland, talaabadaas oo ay ku dooneysay in ay ku baajiso caleema saarka Axmed Madoobe.

Soomaaliya oo falkaas kadib dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Qaramadda Midoobay ayaa ku aadeysay "in ay ku xadgudubtay hawada dalka ogolaanshiyo la'aan".

"Soomaaliya marnaba ma aqbali doonto in la carqaladeeyo xuduudaha baddaheeda iyo dhulka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xukuumadda oo warbaahinta loo diray.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa ku warameysa in xayiraada socdaalka Kismaayo ay dab kusii shidey xiisada labada dal oo kolkii hore daarneyd dacwad ka dhan badda ah.

Xayiraada Kismaayo ayaa haatan la qaadey, waxaana Khamiista maanta ah tegay halkaas madaxweyneyaal iyo siyaasiyiin kasoo muuqan doona xaflada oo Sabtida dhaceysa.

Gal-dacwadeedka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi ayaa ku saabsan goob badkeedu yahay 150 KM isku wareeg, halkaas oo hodan ku ah Shidaal iyo Gaaska naqaska ah.

Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku wareejisay Tumbo warqadda ashtakada ayaa ku wargelisay "in dowladiisa ay jawaab waafi ahkasoo bixiso cabashadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM