RW Khayre oo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Safiirkii hore ee Turkiga Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan u magacaabey xilka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cabdiraxmaan Yariisow ayaa xaqiijiyay magacaabista Wasiirka Gaashaandhigga cusub.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, oo horey usoo noqday Safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya u fadhiya Turkiga tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka, intii u dhaxaysay 2011-2015 ayuuna soo hayay jagadaasi.

Xukuumaddii Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, waxa uu kasoo noqday Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, kadib markii laga qaadey xilka Safiirnimo.

Waxa uu Maxamed Mursal bedelayaa Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo xilkan iska casilay bishii October.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xilka ka qaadey Wasiirka Diinta & Awqaafta Iimaan Cabdullahi Cali, mana la oga sababta xilka qaadistiisa ka dambayso.

Xilka laga qaadey Wasiir Iimaan waxaa sii heynaya Wasiiru Dowlaha Cabdihakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM