Saldhig Amisom ku leedahay Shabeelaha Hoose oo la weerarey

Image

LEEGO, Somalia - Malleeshiyada Ururka Al shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig military, oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay dhowr hoobiye ku dhaceen gudaha iyo daafaha saldhiga AMISOM ee deegaanka Leego, waxaana xigay iska-hor-imaad dhexmaray ciidanka Midowga Africa iyo Al shabaab. 

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarka, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaarey ciidanka AMISOM ee ku sugan saldhigga la duqeeyay ee deegaanka Leego. 

Warbaahinta Afka Al shabaab ku hadasho ayaa sheegay in ku dhawaad 6 Askari oo ka tirsanaa AMISOM lagu dilay Duqeynta madaafiicda ay ku qaadeen xarunta military eeciidamada Midowga Africa. 

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose, ayaan wali ka hadal weerarka Leego. 

Al Shabaab ayaa saldhiga Leego weerar ku qaadey 26-kii June, 2015 kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen 70 Askarioo u dhashay dalka Burundi, kuwasoo qeyb ka ahaa AMISOM. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM