Saldhig ay leeyihiin ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya oo la weeraray

Image

BELEDWAYNE, HirShabelle – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramay in xalay ay weerar madaafiic ah ku ekeeyeen saldhiga ciidamadda Itoobiya ee degaanka Halgan, gobolka Hiiraan ee maamulka HirShabelle.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in hoobiyeyaasha kadib uu iska hor-imaad muddo socday uu dhexmaray ciidamadda iyo xubnaha xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, inkasta oo warbixinadu xaqiijinayaan in uu jiro waxyeelo soo gaarey.

Xilli dhanka ciidanka Itoobiya aysan wali ka hadlin falkaas, haddana warbaahinta taageerta Al-Shabaab waxay ka sheeganayaan "guulo badan".

Asbuucii hore ayay ahayd markii ciidamo Itoobiyaan ah lagu qarxiyey degaano hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidanka Itoobiya ee dalka ku sugan ayaa isugu jira qaar kamid ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo kuwa aan ka tirsaneyn.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay xoojiyey ololaha ay ku dalbanayaan in waddanka laga saaro qeybta aan AMISOM ku jirin, iyagoo ka cabsi qaba in ay ku lug-yeeshaan doorashooyinka 2020-21.

Itoobiyaanka aan kamid ahayn AMISOM ayaa faragelin siyaasadeed ka sameeyay Koonfur Galbeed iyo Galmudug. Balse, waxay ku guuldareysteen in ay saameyn ku yeeshaan coddeyntii ka qabsoontay maamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM