Saldhigyo Al-Shabaab ku lahayd Jubbada Hoose oo 'la burburiyay' [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Miltariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal gaar ah oo ay Ciidamada Daban ka fuliyeen deegaano ku ku yaalla Gobolka Jubba Hoose ay ku burburiyeen fariisamo ay lahayd kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Danab ayaa sheegay in iyagoo garab ka helaya kuwa Mareykanka ay fuliyeen Howlgalka oo ka dhacay deegaanada Kamsuuma, Jamaame Kaban iyo duleedka Baarsanguuni halkaasi oo ay ku dileen 25 kamid Al-Shabaab.

Ma jiraan Illo madax-banaan oo xaqiijinaya warkanka Militeriga dowladda Federaalka kasoo baxay, kaasi oo lagu soo beegay xilli Al-Shabaab ay Arbacadii sheegtay inay weerar jidgal ah ku qaadey Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Jubbaland xilli ay ku safrayeen inta u dhaxaysa Kismaayo iyo Buula-Gaduud. 

Mudooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowlada iyo Al-Shabaab ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan waxay ka wadeen gobolada Koonfurta Soomaaliya, waxaana dowladda Federaalka ay dhowr jeer horey u shaacisay duulaan dalka oo dhan lagu xasilinayo.

Shirkii Baydhabo ayaa hogaamiyaasha dalka kasoo saarey War-murtiyeed ku baaqaya in la dardar geliyo howlgallada Military ee ka dhanka ah Al-Shabaab, lana diyaaro ciidamo ku filan amaanka dalka, oo AMISOM kala wareegi kara mas'uuliyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM