Sanator Faroole oo si kulul uga hadlay habraacii wax ka badalka Dastuurka uu baarlamaanku ansixiyay

Image
Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo madax hore ayaa ka hortimid go’aankii mudanayaasha Baarlamaanka.

Garowe, Soomaaliya - Sanator Cabdiraxman Faroole oo maanta Khudbad ka jeediyay Xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Deni ayaa si adag uga hadlay habraacii ay shalay meel-mariyeen Xildhibaanada labada gole ee BJFS.

Sanator-ka ayaa yiri: "Shalay waxaa Muqdisho ka soo baxay wax aan Caddaallad ahayn oo waxaa lagu takri falay jiritaankii dalka”.

Senter Faroole ayaa ku baaqay ina laga wada hadlo habraacii la ansixiyay isaga oo sheegay in aanu ansax ahayn intaa laga heshiinaayo.

“Xasan Sheekh Maxamuud waxaaan u sheegayaa wixii ka soo baxay Golaha Wakiilada in uusan saxiixin inta laga heshiinayo". ayuu yiri Senetorka.

Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo madax hore ayaa ka hortimid go’aankii ay shalay mudanayaasha Baarlamaanka labadiisa Gole ay ku ansixiyeen Habraaca wax ka beddelka Datuurka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM