Sanbaloolshe: DFS ayaa 1 Milyan oo Dollar ku bixisay si aan waayo Kursiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka [NISA], Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ka hadlay guul-dareedii kasoo gaartey doorashadii Kursiga Gollaha Shacabka ee 28-kii January ka dhacday magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa ku eedeeyey in dawladdu ay faragelin ku samaysay doorashadaasi isla markaana ay 1 Milyan oo dollar ay ku taageertay musharraxa Nuur Iidow Bayle oo ku guulaystay doorashadaasi.

Wuxuu tilmaamay in Ergada doorashada codeysay la siiyay lacago badan, oo dereenkooda bedeshay, kadibna codadkoodii ugu shubay musharaxa kale, ee uu sheegay inay wadatey Villa Soomaaliya.

"Saddex arrimood ayaan ku waayay kursiga kuwaasi oo kala ah Gudiga doorashada oo si wanaagsan u maamulin, oo mudo qabashadeeda ka caga jiidayay, dowladda oo gacan muuqata oo maaliyadeed siisay ninka iga guuleystay iyo Ergada oo saameysay lacagaha badan ee la siiyay, oo dareenkooda bedeshay," ayuu yiri Sanbaloolshe.

Gudiga doorashooyinka ayaa ku eedeeyay inay dheereeyeen waqtigii la qaban lahaa doorashada si fursad loo siiyo musharaxan ay wadato Villa Soomaaliya, ee Nuur Iidow Beyle oo dibadda ku maqnaa.

Isagoo la hadlayay VOA Somali, Sanbaloolshe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhaqaaloo intaasi la eg oo hantida qaranka ah lagu bixiyay hal Kursi, iyadoo looga faa'idaysan karay mushaariic in shacabka loogu fuliyo.

Sanbaloolshe oo la waydiiyay sababta dowladda u diidanayd inuu kusoo baxo doorashada, ayuu ku jawaabey inay ka baqday inuu kashifo xog badan oo uu ka hayo, iyo inuu la safto mucaaradka ku kacsan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in isaga iyo Madaxda dalka ay ahaayeen dad isku dhow oo saaxiibo ah, balse ay ka dhex shaqeeyeen shaqsiyaad uu sheegay inay kasoo shaqeeyaan Farmaajo iyo Khayre.

Wuxuu kaloo tilmaamay in hadii uu ku soo bixi lahaa kursigan uusan noqon laheyn sida laga filyay ee ah inuu Mucaarad noqdo, balse kursigan uu shacabka ugu adeegi lahaa.

Kursigan oo ay leedahay Jufada Cali Madaxweyne, ee Beesha Xawaadle, ayaa markii hore waxaa baneeyay Sanbaloolshe April, 2017 markii loo magacaabay Taliyaha NISA.

Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Iidow Beyle ayaa beeniyay eedaynta Sanbaloolshe isagoo sheegay in doorashada ay u dhacday qaab xur iyo cadaalad ah, islamarkaana aysan jirin cod lagu shubtay iyo cid isaga dhaqaale ku taageertay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM