Saraakiil Ajaaniib ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo Howlgal lagu dilay [Magacyada]

Image

JILIB, Soomaaliya - Ciidamo Mareykanka ah oo ay la socdaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Taliye katirsan ciidamada xoogga dalka, oo lagu magacaabo Jeneral Cali Maxamed [Bogmadow], ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsadey xero Al-Shabaab tababar ku siin jirtay ragga fuliya qaraxyada.

Bogmadow ayaa xaqiijiyay in weerarka ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB lagu dilay 30 xubnood oo kamid ahaa dhalinyaradii lagu tababarayey saldhiga, kuwaasoo ay ku jiraan 4 sarkaal oo qeybta tababarada u qaabilsanaa Al Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Aweys Abu Xamza oo u dhashay Syria iyo Xasan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo kasoo jeeda dalka Libya ay kamid yihiin xubnaha Al-Shabaab-ka ah ee lagu khaarijiyay howlgalka Jilib.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Militeriga dowladda Federaalka, iyadoo Mareykanka uusan wali ka hadlin weerarka, kaasoo kusoo beegmaya xilli Jubbaland maalmo kahor shaacisay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Degmada Jilib ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyayaasha ugu sareeya Kooxda Al Shabaab, waxaana isha ku haya ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed inta badan ka fuliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM