Saraakiil Ajaaniib ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo Howlgal lagu dilay [Magacyada]

Image

JILIB, Soomaaliya - Ciidamo Mareykanka ah oo ay la socdaan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Taliye katirsan ciidamada xoogga dalka, oo lagu magacaabo Jeneral Cali Maxamed [Bogmadow], ayaa sheegay in howlgalka lagu beegsadey xero Al-Shabaab tababar ku siin jirtay ragga fuliya qaraxyada.

Bogmadow ayaa xaqiijiyay in weerarka ciidamada Mareykanka iyo kuwa DANAB lagu dilay 30 xubnood oo kamid ahaa dhalinyaradii lagu tababarayey saldhiga, kuwaasoo ay ku jiraan 4 sarkaal oo qeybta tababarada u qaabilsanaa Al Shabaab.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Aweys Abu Xamza oo u dhashay Syria iyo Xasan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo kasoo jeeda dalka Libya ay kamid yihiin xubnaha Al-Shabaab-ka ah ee lagu khaarijiyay howlgalka Jilib.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada Militeriga dowladda Federaalka, iyadoo Mareykanka uusan wali ka hadlin weerarka, kaasoo kusoo beegmaya xilli Jubbaland maalmo kahor shaacisay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Degmada Jilib ayaa la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin hogaamiyayaasha ugu sareeya Kooxda Al Shabaab, waxaana isha ku haya ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed inta badan ka fuliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM