Saraakiil ciidan oo lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Saraakiil katirsan ciidamada Militariga dowladda Somalia ayaa saaka lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Muqdishu, sida ay Goob-joogayaal u xaqijiyeen Warsidaha GO.

Saddex Sarkaal ayaa dhaawac kasoo gaarey Toogashada, oo ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Ceelka Tusbaxle, xilli ay u socdeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Koox hubaysan oo wadatay gaari, ayaa rasaas ku furey gaari ay saarnaayeen Saraakiishaas.

Taliska  Ciidamada xoogga dalka Somalia weli wax war ah kama soo saarin Weerarka.

Labo maalmood kahor, weerar noocan ah oo ka dhacay Muqdishu, ayaa lagu dilay Cabdi Dheer oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka Dayniile, balse inta badan falalka noocaan ah waxaa caan ku ah kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM