Saraakiil ciidan oo lagu dhaawacay Toogasho ka dhacday Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Saraakiil katirsan ciidamada Militariga dowladda Somalia ayaa saaka lagu dhaawacay weerar ka dhacay magaalada Muqdishu, sida ay Goob-joogayaal u xaqijiyeen Warsidaha GO.

Saddex Sarkaal ayaa dhaawac kasoo gaarey Toogashada, oo ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Ceelka Tusbaxle, xilli ay u socdeen xarunta wasaaradda Gaashaandhigga.

Koox hubaysan oo wadatay gaari, ayaa rasaas ku furey gaari ay saarnaayeen Saraakiishaas.

Taliska  Ciidamada xoogga dalka Somalia weli wax war ah kama soo saarin Weerarka.

Labo maalmood kahor, weerar noocan ah oo ka dhacay Muqdishu, ayaa lagu dilay Cabdi Dheer oo kamid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka Dayniile, balse inta badan falalka noocaan ah waxaa caan ku ah kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM