Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal "lagu dilay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan maleyshiyadda Al-Shabaab kuna jiraan laba sarkaal sare kadib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay warisay wakaaladda wararka dowladda Turkiga ee Anadolu Agency, howlgalkaas ayaa ka dhacay degaanadda Mushaani, Daniga, iyo Majabta ee gobolkaas hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidamadda Soomaaliya, ayaa sheegay in Jimcadii ay qaadeen howlgalka isla markaana uu kusoo dhamaadey "si guul ah".

Taliyaha ayaa intaas ku daray in xubnaha ay dileen uu kamid yahay Macalin Bukhaari oo ah madaxa mukhaabaraadka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyo Sheekh Xasan Ganey, oo ahaa taliyaha gobolka u joogay.

"Sidoo kale, waxaan ka burburinay saldhigyo ay ku lahaayeen degaanadaas oo ay ku tababarayeen maleyshiyaad," ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha.

Marka laga soo tago sheegashadiisa ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda Taliyaha guud ee Ciidamadda Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore gaar ahaan Khamiistii ayay ahayd markii sidaan oo kale uu taliye Odowaa shaaca ka dhigay in ay 20 kamid ah Al-Shabaab ku dileen howlgal ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose. Mase soo bandhigin caddeymo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM