Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo nolasha lagu qabtay [Magacyo]

Image

MARKA - Taliska ciidanka xooga Soomaaliya ayaa wuxuu sheegtay in Khamiistii howlgal uu ka sameeyay gudaha magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo tiradoodu gaareyso 27.

Korneel Xuseen Cabdi oo ka tirsan saraakiisha ciidanka gobolka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in xubnahaan ay isku qarinayeen xaafad ka tirsan Marka, islamarkaana howlgal balaaran oo ay ciidamada ka sameeyeen magaalada ay kusoo qabteen.

Waxuu tibaaxay Korneelka in xubnaha ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka ay ku jiraan Labo sarkaal kuwaasoo uu saxaafadda usoo bandhigay magacyadooda iyo muuqaaladooda, isagoo carabka ku dhuftay inay u gudbin doonaan Nabad Sugida.

Labada nin ee dagaalka lagu soo qabtay ayaa waxa lagu kala magacaabaa C/casiis Maxamed Caydaruus iyo Maxamed Cabdi Maxamed, kuwaasoo kasoo muuqday warbaahina ku hadasha afka dowladda codsaday in la cafiyo iyo in lasii daayo.

"Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafado ka tirsan Marka ayaa soo qabtay 100 dhalinyaro ah, oo 27 kamid ah ay yihiin Al-Shabaab Kuwaasoo dagaal la galay ciidanka xooga, kadibna nolasha lagu soo qabtay," ayuu yiri Korneel Xuseen.

Magaaladda Marka ee xarunta Shabeellaha Hoose ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka socday dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa AMISOM, tan iyo markii ay kala wareegeen Al-Shabaab todobaadkii hore.

Qabashada xubnahaan ayaa imaaneysa xili Talaadadii weerar ay kusoo qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab fariisimo ay ciidamada xooga ku leeyihiin gudaha magaaladda Marka, taasoo dhalisay dhaawac Lix Askar iyo dhimashada Afar Shabaab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM