Saraakiil kamid ahaa kumaandooska Soomaaliya oo shaqada "la eryay"

Image

MUQDISHO, Soomaliya – In ka badan 100 sarkaal oo kamid ahaa guutada Gaashaan ee kumaandooska Soomaaliya ayaa laga ruqseeyay taliskooda hoostaga ciidamadda Mareykanka, sidda ay warisay idaacadda KNN.

Sidda laga soo xigtay warbixinta, inta badan saraakiishaan haatan noloshooda uga baqaya maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa loo eryay "markii ay ka biyo diideen xadgudub ay kula kaceen taliyeyaasha Ameerikaanka ah".

"Xadgudubyada waxaa kamid ah sarkaal Ameerikaan ah baa kuu imaanaya isagoo cabsan adigoo tukanaya. Xadgudub buu kuugu sameynayaa markaa tiraahdo iga dheerow xafiiska ayuu tegayaa wuxuu leeyahay ninkaan hala ruqseeyo kama helin shaqadiisa," ayuu yiri mid kamid ah dhalinyaraddan kaasoo sabab la xiriira badqabkiisa u qariyey magaciisa loona dooriyey codkiisa.

Isagoo sii sharaxaya sababaha loo racdeeyay ayuu ku daray "Annaga waxana nahay dad Muslimiin ah, salaada xataa waa la isku diidayaa, ninkaas gaalka ahna oo khamrada cabsan go'aankuu qaato baa ugu dambeeya".

"Horta annaga wax khaladaad oo aan sameynay oo shaqadeena ku weynay ma jirto, nin cadaan ah oo shalay iyo daraad yimid ayaa kaa heli waayey…marka annaga waxaan isku arkeynay rag qarankooda u shaqeynaya in aan nahay ee ma aanu aaminsaneyn in aan nahay calooshood u shaqeysteyaal in aan nahay," ayuu ku jawaabay markii la isku dayey in laga soo saaro xog dheeriya.

Guutada Gaashaan oo kamid ah ciidamada Soomaalida ee ugu tababarka ciidan ayaa hoostaga taliska nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka.

"Horta ID-gii iyo hubkii waxaa lagaaga soo qaadayaa garoonka diyaaradaha, sababtaas awadeed ma geli kartid xarunta nabad-sugida. Cabashadeena waan u gudbinay, laakiin ma jirto cid wax ka qabatay. Ciidamadana kalena marka aan qariso in aad Gaashaan soo martay baa ku biiri kartaa, waana in aad tababar qaadataa muddo hal sano ah," ayuu daboolka ka qaadey.

Taliska Ameerikaanka ee waddanka ku sugan ayuu xusay in dhalinta laga eryay Gaashaan uu saarey xayiraad ah in aysan dibada u safri karin.

"Baasabooradeenii iyagaa haysto. Dibadda ma aadi karno, gudahana dowladda war nagama hayso waxaan halis ugu jirnaa in ay argagixisada na disho, waxaana ka codsaneynaa madaxda iyo hay'addaha dowladda in ay xaaladeena wax ka qabtaan," ayuu ku daray markii la waydiiyey baaqa uu dirayo.

Taliska NISA ayaa kala diray saraakiishii dharcada iyo waaxda la dagaalanka argagixisada tan iyo markii uu la wareegay Fahad Yaasiin Daahir, talaabadaas xoojisay shakiga in ay wadashaqeyn kala dhaxeyso Al-Shabaab.

Hay'addaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaanan ka jawaabin isku dayo la doonayey in wax looga waydiiyo cabashada saraakiishaan.

Ururka Gaashaan ee kumaandooska Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka cayaara howlgalada la dagaalanka Al-Shabaab iyo soo afjarida marka ay argagixisada beegsato, waxaana qaarkood lagu soo tababaray dalka dibadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM