Saraakiil katirsan Shabaab oo howlgal gaar ah lagu dilay [Magacyada]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubno sare oo katirsanaa Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal military oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska Ciidamada xoogga dalka, ayaa lagu sheegay in labo sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Macalin Xuseen iyo Farxaan Daajir oo Amniyat-ka Al-Shabaab, una qaabilsanaa gobolka ay ku dhinteen dagaal ka dhacay duleedka Qoryooley.

Farxaan ayaa la sheegay inuu kasoo dagaalamay dalka Suuriya, xili uu ka barbar dagaalamayay Al-Qaacidda, isagoo dhawaan dib ugu soo laabtay Soomaaliya, oo uu ku biiray Al-Shabaab.

Al-Shabaab wali dhinkeeda wax war ah kama aysan soo bixin sheegashadda Taliska ciidanka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka xooga ayaa guluf dagaal iyo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada gobolka, taasoo qeyb ka ah olale la doonayo in Kooxdan looga saaro tuulooyinka ay gobolka ka maamulaan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay howlgallo kawadaan degaano dhaw Qoryooley. [Halkan ka akhri warbixin]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM