Al-Shabaab oo Saraakiil loogu dilay Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in duqayn ay diyaarado dagaal ka fuliyeen tuulada Hargeysa-yareey oo ku taalla duleedka degmada Jilib lala beegsaday dhismo ay ku shir-sanaayeen saraakiil Al-Shabaab ka tirsan.

Weerarka cirka ayaa ka dhacay xalay oo Sabti ahayd meel qiyaastii 11-KM u jirta Hargeysa-Yareey, waxaana lagu dilay 15 xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab, sida ay sheegtay DF.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa ku sheegtay magacyadda ragga lagu dilay duqeynta; Daahir Gacmay, Cabdiraxmaan Takar, Sayid Dheere, Cabdullaahi Rabbi, iyo mid kale oo magaciisa lagu soo koobey Waliid.

Balse, ma aysan shaacin warbaahinta dowladda halka laga leeyahay diyaaradaha fuliyay howlgalkaan dhinaca cirka ah.

Ma jiro illo madax banaan oo xaqiijinaya warkan, iyadoo aysan wali kadlin Al-Shabaab duqeynta, oo qeyb ka ah weeraro diyaaradaha shisheeye ay dalka ka fulinayaan.

Duqaymahaan ayaa imaanaya xili bishaan uu Mareykanka sare u qaaday gulufka dhinaca cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, xili uu wax ka badan shan duqayn oo khasaaro dhaliyay ka fuliyay gobolka Mudug todobaadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM