Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada maamulkaasi dagaal ay kula galeen Al-Shabaab degaanka Buula-xaaji oo qiyaastii 80-KM u jira magaaladda Kismayo ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan kooxdan.

Col Cali Goosaar, oo kamid ah saraakiisha ciidamadda Daraawiishta ee maamulka Jubbaland ayaa wuxuu carabka ku dhuftay inay dagaalka ay ku dileen illaa iyo Todoba dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan Labo sarkaal oo sarre.

Wuxuu tilmaamay in xubnaha ay dileen ay kala ahaayeen; Taliyihii dagaalyahanadda Shabaab ee tuuladda Buula-xaaji, iyo Gudoomiyihii halkaas ugu magacownaa, isagoo saxaafadda usoo bandhigay Meydad uu ku sheegay inay kala yihiin Ragaas.

Col Goosaar ayaa sidoo kale daboolka qaaday in dagaalka ay sidoo kale ku burburiyeen Saldhigyo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa Al-Shabaab kasoo abaabuli jirtay weeraradda, islamarkaana ku diyaarin jireen baabuurta lagu soo xiro waxybaaha Qarxa.

"Kadib markii howlgal ay sameeyeen Guutadda 1aad ee ciidanka Jubaland waxaa u suuragashay inay burburiyaan Saldhig cadowgu ku diyaarin jiray Qaraxyadda iyo weeraradda, aana ku dilno 2 sarkaal, oo kamid ahaa Al-Shabaab," ayuu yiri Goosaar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ku shaaca ka qaaday in sidoo kale ay usuuragashay in Al-Shabaab ay kala wareegaan gabi ahaanba gacan ku haynta degaanka Buula-xaaji, isagoo sheegay in haatan ay maamulayaan ciidamadda Daraawiishta.

Marka laga soo tago hadalka saraakiisha ciidamadda Daraawiishta ee maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbalad, ma jiro wax hadal rasmi ah oo ay Al-Shabaab illaa iyo haatan kasoo saartay warkaan.

Howlgalkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhowaan uu faray Madaxweyne Axmed Madoobe, saraakiisha ciidanka Daraawiishta Jubalanad inay labajibaaraan Gulufyadda gobolada hoos-yimaada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM