Saraakiil katirsan NISA oo dembi lagu soo oogay [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanno iyo Xisbiyo Siyaasadeed ayaa soo saarey qoraal wadajir ah oo ay ku dalbanayaan in shaqada laga joojiyo hogaanka Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya ee [NISA].

Xisbiyada Wadajir, Daljir, Kulan iyo Madasha Horusocod oo ay ku midoobeen Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin, ayaa codsaday in cadaallada lasoo taago 5 Saraakiil sare oo kamid ah NISA iyo madax kale.

War Saxaafadeedka ayaa looga dalbaday dowladda in Shaqo joojin iyo xasaanad ka qaadist lagu sameeyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Agaasiimaha Madaxtooyadda Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin oo ay ku eedeeyay inay mas'uul ka ahaayeen weerarkii lagu qaadey Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur 17-kii Decmber, 2017.

Lama oga in dowladda ay fulin doonto dalabkan.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE 

 

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM