Saraakiil uu Mareykanka u tababaray Soomaaliya oo qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan lix askari oo ay ku jiraan laba sarkaal ayaa ku naf-weysay markii laba qarax oo nooca Miinada ah lagula eegtay koonfurta Soomaaliya, maanta oo Arbaco ah.

Weerarka oo noociisa oo kale looga bartay Al-Shabaab ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaaladda Afgooye, gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in tirro kale oo askar ah ay waxyeelo kasoo gaartay falkan.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in askarta iyo saraakiisha ay ka tirsan xoogaga uu Mareykanka tababaro ee Danab, kuwaasi oo fariisinkoodu yahay saldhiga dhowaan la beegsaday Ballidoogle.

Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo xaqiijisay geerida ayaa tacsi u dirtay ehelada, iyadda oo soo kabasho iyo caafimaad degdeg ah u rajeyneysa bukaanada Isbitaalka xoogga lagu daaweynayo.

Duulaanka Isniintii lagu ekeeyay saldhiga Ballidoogle oo ciidamo iyo tababareyaal Ameerikaan ah ay ku sugan yihiin ayaa loo adeegsaday qarax gaari iyo weerar toos ah, wallow layska caabiyey.

Dagaalameyaasha gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sheegtay in ay weerarkaas ku naf-gooyeen 100 askari. Balse, sheegashadaas waxaa diidey milatariga, oo tibaaxay in uu 10-daqiiqo kusoo afjaray.

Laba duqeyn oo uu Mareykanku qaadey kadib falkaas ayuu ku khaarijiyey 11 kamid ahaa Al-Shabaab, wallow gulufkii xeradda uu dhaawac aanan halis ahayn uu kasoo gaarey askari Ameerikaan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM