Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu ka fuliyey Soomaaliya

Image

SAAKOW, Soomaaliya - Duqeyn dhanka cirka ah, oo ka dhacday maanta oo sabti ah gobolka Jubbada Dhexe ayaa lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Illo-wareedyo ku sugan gobolka, ayaa sheegaya in duqaynta ay ka dhacday meel u dhow degmada Saakow, islamarkaana lagu beegsaday shaqsi bartilmaameed u ahaa diyaaradaha, kaasi oo ku dhintay gantaal lagu dhuftay.

Lama oga dalka iska leh diyaarada fulisay weerarka, balse waxaa xusid mudan in Maraykanka inta badan qaado duqaymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, oo khatar ku ah amniga dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Africa.

Wali Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalka ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe, oo hadda dhamaantiis iyado hoos tago maamul ahaan. Maamulka Jubbaland ayaa wado qorshooyin lagu xoreynayo gobolka.

Sannadkan keliya ayaa Maraykanku sheegey inay Soomaaliya ka geysteen 59 duqeyn, kuwaasoo sida AFRICOM laga soo xigtay lagu dilay xubno badan oo kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish u dagaalami jiray.

Mareykanka ayaa ka jooga Soomaaliya ciidamado aan cadadkooda la ogeyn, kuwaasoo saldhigyo ku leh Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ka abaabulaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM