Sarkaal ciidan oo isku-day dil kaga badbaadey magaalada Muqdisho

Image
Nasiib Daahir Cabdi oo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa lagu qarxiyey isgoyska Soobe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof oo ah sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaaladda Muqdisho.

Nasiib Daahir Cabdi oo ah sarkaalka la qarxiyey ayaa xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa mid ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, sidda ay sheegeen illo ammaan.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay hay'adaha nabad-gelyadda. Dhanka kale, wali ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkan.

Qaraxan ayaa ah midkii afaraad oo illaa haatan bisha June, 2023 ka dhaca magaala madaxda waxaana ka horeeyay saddex kale kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Jun, 5, 2023, Afar askari ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay xaafada Shiirkole ee magaalada Muqdisho. Weerarkan waxaa ka badbaadey taliyihii hore ee booliska degmada Hodan, Cabdifataax Qoslaaye.

Jun 5, 2023, hal qof ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho. Ruuxa lala beegsadey falkan ayaa ah xogheynta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Jun 9, 2023, saddex qarax is-miidaamin iyo weerar toos ah ayaa lagu galay Pearl Beach; 10 qof ayaa ku dhimatay. Balse, Al-Shabaab waxay warisay in ay dishay ku dhowaad 29 qof oo u badan saraakiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM