Sarkaal Ciidan oo lagu dilay magaalada Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha maamulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in dabley hubeysan ay toogasho ku dishay Askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka.

Dilka Askriga oo ay ka dambeysay Koox ku hubeysan Bastoolado ayaa waxay ka baxsadeen goobta dilka uu ka dhacay oo ah meel aad uga fog xarunta degmada Shibis, sida Dad goobjoog ahaa ay kusoo waramayaan.

Warar ayaa sheegaya in ragga hubeysan dilka kadib ay horey usii qaateen Qorigii uu watay Askariga la dilay, kaasoo magaciisa lagu soo gaabiyay Qataatoow.

Laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta yimid, waxaana lagu soo waramayaa inay bilaabeen howlgalo ay ku baadi-goobataan Ragii falkaan ka dambeeyay, kuwaasoo falkaan kadib isaga baxsaday goobta.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanayey dilalka loo geysanayo Askarta dowladda, kuwaasoo inta badan ay dhabarka uridanayeen masuuliyadooda Dhaqdhaqaaqa Hubeysan ee Al-Shabaab.

Inkastoo dilkaan caawa oo Jimco ah ka dhacay magaalada Muqdisho aysan sheegan AlShabaab, hadana weerarada noocaan ah iyaga ayaa looga bartay, wallow Kooxda Daacish ay mudooyinkii dambe sheegaynayso dilal ka dhaca Muqdisho.

Waa Askarigii ugu horeeyay ee ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaasoo lagu dilo Magaalada caasimada ah ee Muqdisho tan iyo sidii ay bilaabatay bisha Barakaysan ee Ramadan, taasoo maalintii Labaad lagu guda jiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM