Sarkaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Somalia - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil subaxnimadii Khamiista maanta ah loogu geystay degmada Xamar-weyne ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidamada xooga ee dalka.

Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa lagu waramayaa inay Gaashaanle Sare, Cabduqaadir Ibraahim Cabdulle ku khaarijiyeen meel ku dhow hoygiisa oo waqtiga la beegsaday uu kasoo baxay.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in marxuumka oo ay rasaasta ka haleeshay qaybaha sare ee jirkiisa in goobta looga qaaday dhaawac, isaga oo la dhigay Isbitaalka ciidamada xooga.

Xubno ka tirsan qoyskiisa iyo saraakiisha xarunta caafimaadka, ayaa kolkii dambe xaqiijiyay in sarkaalka uu u geeriyooday dhaawacii soo gaarey, oo ahaa mid culus.

"Dilka oo ka dhacay laanta Hilaac, waaxda Yoobsan, gaar ahaan xaafada Isku-raranka ah ee degmada Xamar-wayne ayaa dableydii geystay way ka baxsadeen goobta," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka oo GO u waramay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dhabarka saaratay mas'uuliyada falkaan, balse, dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca Muqdisho, kuwaasi oo lagu ugaarsado saraakiisha iyo mas'uuliyada dowlada waxaa looga bartay Al-Shabaab.

Bartamaihii bishaan Janaayo, Muqdisho waxaa lagu dilay shaqaalo ka kala tirsanaa wasaaradaha arrimaha Diinta iyo Gudaha. Mana jirto cid loosoo qabtay falalkaasi oo ay sheegatay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM