Sarkaal dilay Taliye ku xigeen oo Maxkamad la soo taagay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka u fariisatay dhageysiga kiis dil ah oo loo haysto Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh, oo kamid ah ciidamada Badda.

Gaashaanle Sare Cabdinaasir Xoosh ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu gacantiisa ku dilay Taliye Ku xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya Saciid Aadan Yuusuf (Siciid Mariino) 18-kii January, 2018.

Allah ha u naxariistee Siciid Mariino ayaa lagu dhex dilay Dekadda Muqdisho xilli habeen ah, iyadoo dilkiisana loo qabtey Cabdinaasir oo saraakiisha Boolisku ay sheegeen inuu bastoolad ku toogtay  markii ay murmeen.

Xarunta Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka waxaa Gobjoog ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya oo ka qeybgalay dhageysiga Kiiska dilka ah ee loo haysto Cabdinaasir Xoosh.

Maxkamadda ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay go’aan rasmi ah ka soo saarto kiiska, iyadoo dhageysiga dacwadan ay kusoo beegmayso xilli ciidanka badda u dabaal degayo Sanad-guuradii 53-aad ee aas aaskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM