Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, gaara ahaan degmada Wadajir, waxay gacanta ay kusoo dhigeen sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] oo wariyaasha kula hadlay caasimada ayaa daboolka ka qaaday in xogta lagu soo qabtay ninkaan ay soo gudbiyeen Shacabka.

Wuxuu uga mahad-celiyay wadashaqayn uu sheegay inay la sameeyeen Hay’addaha Nabad-gelyadda, isaga oo uu ku dhiiro-geliyay talaabooyinka noocaan ah oo uu ku nuux-nuux saday inay sahleyso in dib loosoo celiyo amaanka Magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

“Ciidamada amaanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Muqdisho, gaara ahaan degmada Wadajir, waxay gacanta ay kusoo dhigeen Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasoo lagu soo qabtay macluumaad ay soo gudbiyeen shacabka,” ayuu Yariisow u sheegay suxufiyiinta.

Gudoomiyaha waa uu ka gaabsaday inuu soo bandhigo magaca sarkaalka uu ka dhawaajiyay inay soo soo qabteen Hay’addaha amaanka, inkasta oo uu ku cel-celiyay inay cadaaladda hor-gayn doonan. Al-Shabaab wali ma aysan kasoo jawaabin warka kasoo yeeray Duqa Muqdisho.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa caasimada dalka wuxuu kusoo beegmayaa xili ay sii kordhayaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda ee ka dhacaya caasimada, kuwaasoo banaanka keenay fashilka amni ee xukuumada talada haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM