Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, gaara ahaan degmada Wadajir, waxay gacanta ay kusoo dhigeen sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay xoogaga Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow] oo wariyaasha kula hadlay caasimada ayaa daboolka ka qaaday in xogta lagu soo qabtay ninkaan ay soo gudbiyeen Shacabka.

Wuxuu uga mahad-celiyay wadashaqayn uu sheegay inay la sameeyeen Hay’addaha Nabad-gelyadda, isaga oo uu ku dhiiro-geliyay talaabooyinka noocaan ah oo uu ku nuux-nuux saday inay sahleyso in dib loosoo celiyo amaanka Magaalo madaxda dalka Soomaaliya.

“Ciidamada amaanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Muqdisho, gaara ahaan degmada Wadajir, waxay gacanta ay kusoo dhigeen Horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasoo lagu soo qabtay macluumaad ay soo gudbiyeen shacabka,” ayuu Yariisow u sheegay suxufiyiinta.

Gudoomiyaha waa uu ka gaabsaday inuu soo bandhigo magaca sarkaalka uu ka dhawaajiyay inay soo soo qabteen Hay’addaha amaanka, inkasta oo uu ku cel-celiyay inay cadaaladda hor-gayn doonan. Al-Shabaab wali ma aysan kasoo jawaabin warka kasoo yeeray Duqa Muqdisho.

Hadalka kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa caasimada dalka wuxuu kusoo beegmayaa xili ay sii kordhayaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda ee ka dhacaya caasimada, kuwaasoo banaanka keenay fashilka amni ee xukuumada talada haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM