Sarkaal ka tirsan CID-da oo Muqdisho kaga badbaaday isku day dil

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo fiidnimadii caawa oo Talaado ah ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari Miino lagu soo rakibay ayaa lasoo wariyay nawaaxiga xarunta dambi baarista oo ku dhow isgoyska Soobe.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in gaariga qarxay uu watay sarkaal ka tirsan hay’adda CID-da.

Sarkaalka oo magacaabo Daahir Xasan Xuseen ayaa lagu waramayaa in uu dhaawac culus kasoo gaarey qaybaha hoose.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in Daahir loola cararay goobaha caafimaadka si loo badbaadiyo nolashiisa.

Daahir ayaa sidoo kale horey u soo noqday wasiirka howlaha guud ee Galmudug iyo gudoomiyaha degmada Dayniile ee Muqdisho, waqtigii Sheekh Shariif Axmed.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaasi, balse xoogaga Al-Shabaab ayaa looga bartay ficilada noocaan ah.

Horaantii isbuucaan ayay ahayd sarkaal kale oo ka tirsan CID-da uu ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray.

Laamaha amaanka wali kama hadlin dhacdooyinkaasi oo qayb ka ah falalka lidiga ku ah nabad-gelyada ee ka dhacaya caasimada Soomaaliya.

Amniga ayaa safka hore kaga jira waxyaabaha ay xukuumada Khayre ku fashilantay in ay wax ka qabato, iyada oo ciidamada ay ka cabanayaan mushaar la'aan inkasta oo uu ra'iisul wasaaruhu meesha ka saaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM