Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maleeyshiyaad looga shakisan yahay ururka Al-Shabaab ayaa Muqdisho ku dilay sarkaal sarre oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, maanta oo Sabti ah, sidda ay xaqijiyeen laamaha amniga.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Taleex ee degmadda Hodan, sidda ay warsidaha Garowe Online u shegeeen goobjoogeyaal.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Dhaayow Ismaaciil Xuseen ayaa ahaa taliyaha nabad-sugida degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Dableyda oo bastoolado ku hubeysneyd ayaa ka carartay meesha ay wax ka dhaceen," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyey.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, balse xoogaga Al-Shabaab ayaa looga bartay dhacdooyinkan.

Taliska Booliska oo ciidamo u diray meesha ay wax ka dhaceen ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan "gacan ku dhiigleyaasha".

Dilkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii warbaahinta Dowladda ay baahisay barnaamij laga diyaariyey Maxamed Xaaji Axmed [Ilkacase], ninkii Al-Shabaab Muqdisho uga fulin jiray dilalka gaadmada ah oo la qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM