Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Sarkaal sare oo katirsanaa Kooxda Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Sarkaalka Al Shabaab oo lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, lagu dilay howlgal gaar ah oo Ciidamada Soomaaliya ka fuliyeen deegaan ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas.

Cali Axmed Guurre ayaa la sheegay inuu Al Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacaga Zakada Kooxda ka qaado dadka ku nool deegaanada u dhaxeeya Beledweyne iyo Maxaas, gaar ahaan Baar Dheere iyo Hees.

Ciimdada dowladda oo kaashanaya kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa si wadajir ah u qaaday duulaanka, kaasi oo ay kula wareegeen deegaanada kor ku xusan, iyadoo dadka deegaanka ay aad usoo dhaweeyeen tallaaban.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray dowladda, ee ku aadan dilka Sarkaalka u qaabilsanaa arrimaha Zakada ee ku dhintay weerarka ka dhacay duleedka Beledweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM