Sarkaal ka tirsanaa ilaalada Madaxtooyadda oo qarax lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sarkaal sarre oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu kamid ahaa dadka ku naf-waayey qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Seydow Sheekh Abuukar ayaa u geeriyooday "dhaawac culus" oo falkaas kasoo gaarey, sidda ay ka dhawaajiyeen xubnaha qoyskiisa.

Marxuumka oo ifka kaga tegay xaas iyo caruur aan wali tiradooda la ogeyn ayaa wuxuu kamid ahaa qeybta 60aad ee Koofiyad Casta.

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerarkaan is-miidaaminta ayaa xaqiijisay geerida saddex qof, iyo dhaawac todoba kale.

Dhaawacyada waxaa kamid ah shacab uu ku jiro dhalinyaro caseeyeyaal ahaa iyo saraakiil kamid ah Ilaaladda gaarka ah ee Madaxtooyadda.

Cabdi Yarre iyo Wee Wee ayaa kamid ah magacyadda la aqoonsaday ee ku dhaawacmay weerarkii maanta ee ka tirsan Koofiya Casta.

"Dadka ku dhintay qaraxa waxaa ku jiray wiil yar oo caseeye ahaa," ayuu yiri wariye madax-banaan oo telefoonka ugu waramay GO.

Weerarkan lagu tuhunsan yahay maleeyshiyaadka Al-Shabaab ayaa lagu beegsaday maqaayada Blue Sky oo ku dhow kontaroolka Xaawa Taako kana mid ah meelaha laga ilaaliyo ammaanka Villa Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaatee, dhowr jeer ayay horey u dhacdey in weerar noocaan ah lagu beegsado bartaan. Hase ahaatee, inta la og-yahay waa markii ugu horeysay uu qof naftii halige ahaa uu aagaas bartilmaameedsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM