Sarkaal katirsan Al shabaab oo isku dhiibay Ciidamada dowladda

Image

BURHAKABO, Somalia - Sarkaal katirsan Kooxda Al shabaab ayaa la sheegay in uu isku soo dhiibey Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ee ku sugan degmada Buurhakabo, ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali ayaa xaqiijiyay in Horjoogan oo wata qori AK-47, oo xiriir dhanka Taleefonka lasoo sameeyay Saraakiil Ciidan, kahor inta uusan isasa soo dhiibin.

Gudoomiyaha ma uusan sheegin magaca Ninkan uu sheegay inuu ka tirsan yahay Al shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray inay jiraan Dagaalyahano badan oo horey isku soo dhiibey, kuwaasi oo la geeyay xarunta dhaqan-celinta malleeshiyaadka kasoo goosta Al shabaab, oo ku taalla magaalada Baydhabo.

Wasiirada difaaca Somalia ayaa dhawaan sheegtay in 50 dagaalyahan oo katirsanaa Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada, iyagoo ka faa'adysanaya Cafiska labada bilood ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkan markale ugu baaqay Al shabaab inay hubka dhigaan, islamarkaana ay aqbalaan dib u heshiisiin iyo wadahadal nabadeed.

Al shabaab ayaa dhowr jeer oo hore u diiday baaqyo nabadeed, oo Madaxdii hore uu jeediyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM